cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

1. Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

2. Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.

3. Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.

4. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

5. Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.

6. Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.

7. Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.

8. Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.

9. Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.

10. Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.

11. Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.

12. Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

13. Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.

14. Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.

15. Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.

16. Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!

17. Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.