cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 92 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.

1. Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,

2. Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,

3. Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

4. Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

5. Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.

6. Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.

7. Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,

8. Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.

9. Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.

10. Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.

11. Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.

12. Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.

13. Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.

14. Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,