cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 58 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed

1. Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?

2. Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.

3. Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.

4. Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,

5. Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.

6. Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.

7. Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya. Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.

8. Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.

9. Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.

10. Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.

11. Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.