cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.

1. Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.

2. Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.

3. Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.

4. Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?

5. Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.

6. Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.

7. Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.

8. Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.