cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 48 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.

1. Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

2. Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.

3. Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

4. Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.

5. Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

6. Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.

7. Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.

8. Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)

9. Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.

10. Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.

11. Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

12. Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.

13. Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.

14. Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.