cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 86 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Baryootankii Daa'uud.

1. Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.

2. Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.

3. Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.

4. Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.

5. Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.

6. Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

7. Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.

8. Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.

9. Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

10. Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.

11. Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.

12. Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.

13. Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.

14. Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.

15. Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan, Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.

16. Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.

17. Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus, Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan, Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.