cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 108 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud tiriyey.

1. Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.

2. Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.

3. Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.

4. Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.

5. Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

6. Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

7. Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,

8. Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.

9. Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.

10. Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?

11. Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

12. Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.

13. Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.