cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 132 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Gabayga meelokoridda.

1. Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,

2. Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,

3. Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,

4. Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,

5. Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.

6. Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.

7. Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.

8. Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.

9. Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.

10. Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.

11. Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

12. Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.

13. Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.

14. Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.

15. Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.

16. Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.

17. Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.

18. Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.