cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31
  32. 32
  33. 33
  34. 34
  35. 35
  36. 36
  37. 37
  38. 38
  39. 39
  40. 40
  41. 41
  42. 42
  43. 43
  44. 44
  45. 45
  46. 46
  47. 47
  48. 48
  49. 49
  50. 50
  51. 51
  52. 52
  53. 53
  54. 54
  55. 55
  56. 56
  57. 57
  58. 58
  59. 59
  60. 60
  61. 61
  62. 62
  63. 63
  64. 64
  65. 65
  66. 66
  67. 67
  68. 68
  69. 69
  70. 70
  71. 71
  72. 72
  73. 73
  74. 74
  75. 75
  76. 76
  77. 77
  78. 78
  79. 79
  80. 80
  81. 81
  82. 82
  83. 83
  84. 84
  85. 85
  86. 86
  87. 87
  88. 88
  89. 89
  90. 90
  91. 91
  92. 92
  93. 93
  94. 94
  95. 95
  96. 96
  97. 97
  98. 98
  99. 99
  100. 100
  101. 101
  102. 102
  103. 103
  104. 104
  105. 105
  106. 106
  107. 107
  108. 108
  109. 109
  110. 110
  111. 111
  112. 112
  113. 113
  114. 114
  115. 115
  116. 116
  117. 117
  118. 118
  119. 119
  120. 120
  121. 121
  122. 122
  123. 123
  124. 124
  125. 125
  126. 126
  127. 127
  128. 128
  129. 129
  130. 130
  131. 131
  132. 132
  133. 133
  134. 134
  135. 135
  136. 136
  137. 137
  138. 138
  139. 139
  140. 140
  141. 141
  142. 142
  143. 143
  144. 144
  145. 145
  146. 146
  147. 147
  148. 148
  149. 149
  150. 150

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 65 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

1. Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa, Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.

2. Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.

3. Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.

4. Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.

5. Ilaaha badbaadadayadow, Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa, Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan, Iyo kuwa badda fogba,

6. Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya, Isagoo dhexda xoog ku xidhay.

7. Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.

8. Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.

9. Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.

10. Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.

11. Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.

12. Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.

13. Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah, Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh, Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.