Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 5:11-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.

12. War Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan.

13. Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?

14. Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.

15. Markaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah.

16. Laakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.

17. Markaasaa Nacamaan wuxuu yidhi, Haddii ayan saas ahayn weliba waxaan kaa baryayaa in anigoo addoonkaaga ah lay siiyo ciid intii ay laba baqal qaadi karaan, waayo, anigoo addoonkaaga ah, hadda ka dib Rabbiga mooyaane ilaahyo kale u bixin maayo qurbaan la gubo iyo allabari toona.

18. Oo waxakanna Rabbigu ha iga cafiyo anigoo addoonkaaga ah, markii sayidkaygu guriga Rimmon u tago inuu ku tukado, oo uu ku tiirsada gacantayda ee aan anna ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa, oo markaan ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa Rabbigu anigoo addoonkaaga ah ha iga cafiyo waxakan.

19. Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo nabad ku tag. Sidaas daraaddeed in yar buu ka socday.

20. Laakiinse Geexasii oo ahaa midiidinkii Eliishaa oo ahaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, Bal eega, sayidkaygu wuu u tudhay Nacamaan kii reer Suuriya, oo wixii uu u keenayna waxba kama uu qaadan. Waxaan Rabbiga noloshiisa ugu dhaartay inaan intaan isagii ka daba ordo wax ka soo qaato.

21. Sidaas daraaddeed Geexasii wuxuu daba galay Nacamaan. Oo Nacamaanna markuu arkay mid soo daba ordaya ayuu gaadhifaraskiisii ka soo degtay inuu ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, War ma nabad baa?

22. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waa nabad. Oo sayidkaygii baa i soo diray oo wuxuu kugu soo yidhi, Haddeerba waxaa ii yimid laba nin oo dhallinyar oo qoonkii nebiyada ah oo ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad iyaga siiso talanti lacag ah iyo laba iskujoog oo dhar ah.

23. Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 5