Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Wacdiyahii 9:11-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Markaasaan mar kale fiirsaday, oo waxaan qorraxda hoosteeda ku arkay inaan kuwa dheereeyaa mar kasta tartanka ku badin, ama aan kuwa xoogga badanu mar kasta dagaalka adkaan, ama aan kuwa xigmadda lahu mar kasta kibis helin, ama aan kuwa garaadka ahu mar kasta hodan noqon, ama aan saanacyada mar kasta raalli laga ahayn, laakiinse waxaa kulligood hela wakhti iyo nasiib.

12. Waayo, ninna wedkiisa ma yaqaan. Sida kalluun shabag xun lagu qabto, iyo sida shimbirro dabin ku dhaca, saasoo kalaa binu-aadmigana wakhti xun lagu dabaa, markii wedku si kedis ah ugu yimaado.

13. Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.

14. Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay.

15. Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.

16. Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

17. Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.

akhri dhamaystiran cutubka Wacdiyahii 9