Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sekaryaah 14:12-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Oo tanuna waa belaayada Rabbigu ku dhufan doono dadyowga Yeruusaalem la diriray oo dhan. Iyagoo cagahooda ku taagan ayaa hilibkoodu iska dhammaan doona, oo indhahoodu waxay ku dhex baabbi'i doonaan godadkooda, carrabkooduna afkooda.

13. Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

14. Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.

15. Oo saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan.

16. Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.

17. Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono.

18. Oo haddii uusan reer Masar u kicin, oo uusan iman, iyagana roob kuma di'i doono, oo waxaa jiri doonta belaayo taasoo Rabbigu ku dhufan doono quruumihii aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.

19. Taasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.

20. Wakhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal.

21. Oo xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.

akhri dhamaystiran cutubka Sekaryaah 14