Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 5:7-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.

8. Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin.

9. Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.

10. Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

11. Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi.

12. Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.

13. Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.

14. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

15. Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 5