Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Esteer 2:12-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Haddaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaadhay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogu sameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayo laba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahirintoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ah ismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna ismariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagu daahiriyo)

13. ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.

14. Oo iyadu fiidkii bay tagtay, oo subaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha, iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii u dhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambe boqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo in magaceeda loogu yeedho mooyaane.

15. Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.

16. Haddaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.

17. Haddaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.

18. Markaasaa boqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd martiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuu nasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsinimadiisii ahayd.

19. Oo markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii.

20. Oo Esteerna weli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidii Mordekay ku amray; waayo, Esteer amarkii Mordekay bay u addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale.

21. Oo waagaas mar uu Mordekay boqorka iriddiisa fadhiistay ayaa waxaa aad u cadhooday laba nin oo boqorka midiidinno u ahaa, waxayna ahaayeen Bigtaan iyo Teresh oo ka mid ahaa kuwa iridda dhawra, oo waxay dooneen inay Boqor Ahashwerus dilaan.

22. Oo xaalkaas waxaa ogaaday Mordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteerna waxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysa Mordekay magiciisa.

23. Oo markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaa la ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baa laga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggii taariikhda boqorka hortiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Esteer 2