Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 6:5-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Markaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa.

6. Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow.

7. Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.

8. Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale.

9. Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii.

10. Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray.

11. Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis.

12. Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin.

13. Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.

14. Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo.

15. Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.

16. Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona.

17. Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel.

akhri dhamaystiran cutubka Daanyeel 6