Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 47:6-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.

7. Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal.

8. Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

9. Oo meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba.

10. Oo kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan.

11. Laakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan.

12. Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.

13. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.

14. Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.

15. Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,

16. iyo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan.

17. Oo soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi.

18. Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.

19. Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed.

20. Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.

21. Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.

22. Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 47