Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 40:4-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.

5. Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.

6. Oo wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur.

7. Oo qollad kastaba dhererkeedu wuxuu ahaa cawsduur, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa cawsduur, oo qolladahana waxaa u dhexeeyey shan dhudhun, oo marinka iridda oo balbalada iridda u dhowayd dhankiisa guduhu wuxuu ahaa cawsduur.

8. Haddana wuxuu qiyaasay iriddii balbaladeedii oo daarta u jeedday, waxayna ahayd cawsduur.

9. Oo haddana wuxuu qiyaasay balbaladii iridda, waxayna ahayd siddeed dhudhun, tiirarkeeduna waxay ahaayeen laba dhudhun, oo iridda balbaladeeduna daartay u jeedday.

10. Oo iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen.

11. Oo haddana wuxuu qiyaasay kadinkii iridda ballaadhkiisii, wuxuuna ahaa toban dhudhun, oo iridda dhererkeeduna wuxuu ahaa saddex iyo toban dhudhun.

12. Oo qolladaha darafkii ka horreeyey dhinaciisuna wuxuu ahaa dhudhun oo darafkii dhinaciisa kalena wuxuu ahaa dhudhun, oo qolladaha dhinacooduna wuxuu ahaa lix dhudhun oo dhinaca kalena wuxuu ahaa lix dhudhun.

13. Oo haddana iridda qollad saqafkeed ilaa qollad kale saqafkeed ayuu qiyaasay, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun albaab ilaa albaab.

14. Oo haddana wuxuu qiyaasay tiirarkii oo ahaa lixdan dhudhun, kuwaas oo gaadhay tiirkii barxaddii iridda ku wareegsanayd.

15. Oo kadinka iridda laga soo galo hortiisa iyo ilaa barxadda iridda hoose inta u dhaxaysaa waxay ahayd konton dhudhun.

16. Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed.

17. Markaasuu barxaddii dibadda i geeyey, oo bal eeg, waxaa ku yiil qollado iyo dhul sallax ah oo barxadda ku wareegsan loo sameeyey. Soddon qolladood ayaa dhulka sallaxa ah ku tiil.

18. Oo dhulka sallaxa ah oo irdaha dhinacooda ku yiil oo irdaha ka soo hor jeeday wuxuu ahaa dhulka sallaxa ah oo hoose.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 40