Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 37:21-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.

22. Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan.

23. Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.

24. Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.

25. Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.

26. Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.

27. Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 37