Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 7:10-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,

11. oo waxaad maqli doontaa waxay isku leeyihiin; oo markaasay gacmahaagu u xoogaysan doonaan inaad xerada ku dhaadhacdo. Markaasuu hoos u dhaadhacay isagoo kaxaystay addoonkiisii Furaah ilaa meeshii ku wareegsanayd xerada oo raggii hubka lahaa degganaa.

12. Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.

13. Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday.

14. Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.

15. Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.

16. Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.

17. Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.

18. Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.

19. Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.

20. Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 7