Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 20:15-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.

16. Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.

17. Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.

18. Markaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen.

19. Kolkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan.

20. Markaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan.

21. Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

22. Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.

23. Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.

24. Oo dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan.

25. Oo Yehooshaafaad iyo dadkiisii markay u yimaadeen inay iyaga furtaan waxay dhexdoodii ka heleen maal badan oo meydadka la yaal iyo alaab qaali ah oo ay nafsaddooda u furteen, oo waxaasuna waxay qaadan karaan waa ka badnaayeen, oo intii saddex maalmood ah ayay dhicii guranayeen, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u badnaa.

26. Oo maalintii afraad ayay ku shireen dooxada Barako, waayo, halkaasay Rabbiga ku ammaaneen, sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Barako, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 20