Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 13:1-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.

2. Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Miikaayaah ina Uurii'eel oo reer Gibecaah ah. Oo Abiiyaah iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray.

3. Oo Abiiyaah dagaal buu u baxay isagoo wata ciidan dagaalyahan ah oo xoog badan, oo waxayna ahaayeen afar boqol oo kun oo ah rag la xushay; oo Yaaraabcaamna wuxuu dagaal isaga ka gees ah u diyaariyey siddeed boqol oo kun oo nin oo ah rag la xushay oo dhammaantoodna rag xoog badan ah.

4. Markaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla.

5. War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh?

6. Laakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii.

7. Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin.

8. Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.

9. Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

10. Laakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira.

11. Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.

12. Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

13. Laakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda.

14. Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.

15. Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 13