Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 3:6-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Intii ay reer Saa'uul iyo reer Daa'uud dagaallamayeen ayaa Abneer aad ugu xoogaystay reerkii Saa'uul.

7. Haddaba Saa'uul wuxuu lahaa naag addoon ah oo magaceedana la odhan jiray Risfaah, waxayna ahayd ina Ayah; oo Iishboshed wuxuu Abneer ku yidhi, War maxaad ugu tagtay addoontii aabbahay?

8. Markaasaa Abneer aad ugu cadhooday erayadii Iishboshed, oo wuxuu yidhi, Anigu ma waxaan ahay madax eey oo reer Yahuudah leeyihiin? Bal maanta raxmad baan tusayaa reerkii aabbahaa Saa'uul, iyo walaalihiis, iyo saaxiibbadiis, oo adigana kuuma aan gacangelin Daa'uud, oo weliba maanta waxaad igu eedaynaysaa wax ku saabsan naagtan.

9. Haddaba sidii Rabbigu ugu dhaartay Daa'uud, Ilaah saas iyo si ka sii badanba anoo Abneer ah, ha igu sameeyo haddaanan saas oo kale isaga ku samayn,

10. taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.

11. Oo isna eray dambe wuu ugu jawaabi waayay Abneer, maxaa yeelay, wuu ka cabsanayay.

12. Markaasaa Abneer wuxuu Daa'uud u soo diray wargeeyayaal magiciisa ku hadlaya, oo leh, War dhulka yaa leh? Oo wuxuu kaloo ku yidhi, Heshiis ila dhigo, anna gacan baan ku siinayaa, inaan kuu soo wada jeediyo reer binu Israa'iil oo dhan.

13. Markaasuu yidhi, Waa hagaag; heshiis baan kula dhiganayaa, laakiinse wax baan kaa doonayaa, taasuna waxaa weeyaan, markaad ii timaadid waa inaadan i hor iman adoo marka hore Miikaal oo ah ina Saa'uul i soo hor taaga mooyaane.

14. Oo Daa'uudna wargeeyayaal buu u diray Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, isagoo leh, Ii keen naagtaydii Miikaal, oo aan ku guursaday boqol buuryo oo reer Falastiin.

15. Markaasaa Iishboshed rag u diray oo iyadii ka soo kexeeyey ninkeedii, kaasoo ahaa Faltii'eel ina Layish.

16. Markaasaa ninkeedii soo raacay iyadii, isagoo ooyaya intuu socday oo dhan, oo wuxuu iyadii daba socday tan iyo Baxuuriim. Markaasaa Abneer ku yidhi, War orod, oo iska noqo. Kolkaasuu iska noqday.

17. Oo Abneerna wuxuu la arrinsaday odayaashii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waa hore waxaad doonayseen in Daa'uud boqor idiin noqdo.

18. Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

19. Oo Abneer wuxuu kaloo la hadlay reer Benyaamiin; oo weliba Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon si uu ugu sheego waxa la wanaagsan reer binu Israa'iil oo dhan, iyo reer Benyaamiin oo dhanba.

20. Saas aawadeed Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon, labaatan nin baana la socday. Oo Daa'uudna diyaafad ayuu Abneer iyo raggii la socdayba u sameeyey.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 3