Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 18:2-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa.

3. Laakiinse dadkii waxay yidhaahdeen, Waa inaanad bixin, waayo, annagu haddaannu cararno dan nagama ay lahaan doonaan; oo xataa haddii nuskayo dhintona dan nagama ay lahaan doonaan; laakiinse adigu waad ka qiimo weyn tahay toban kun oo naga mid ah; sidaas daraaddeed haatan waxaa wanaagsan inaad adoo diyaar ah iska joogtid oo aad xagga magaalada naga caawidid.

4. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun.

5. Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan.

6. Saas daraaddeed dadkii dibadday u baxeen oo waxay reer binu Israa'iil kaga hor tageen duurka, oo dagaalkiina wuxuu ka dhacay kayntii reer Efrayim.

7. Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

8. Oo dagaalkiina wuxuu ku faafay waddankii oo dhan, oo maalintaas waxaa kayntii cuntay dad ka sii badan intii seeftu cuntay.

9. Absaaloomna si kedis ah ayuu uga hor yimid addoommadii Daa'uud. Absaaloomna baqashiisii ayuu fuushanaa, oo baqashiisii waxay hoos martay geed weyn laamihiis, kolkaasaa geedkii madaxiisii qabsaday, oo wuxuu ka lalmaday meel cirka iyo dhulka u dhaxaysa; oo baqashii ku hoos jirtayna way iska socotay.

10. Markaasaa nin arkay, oo Yoo'aab u soo sheegay, oo wuxuu ku yidhi, War, waxaan soo arkay Absaaloom oo geed ka lalmada.

11. Yoo'aabna wuxuu ninkii u soo warramay ku yidhi, Oo haddaad aragtay maxaad isaga halkaas ugu dili weyday? Oo anna waxaan ku siin lahaa toban gogo' oo lacag ah iyo dhex-xidh.

12. Markaasaa ninkii Yoo'aab ku yidhi, In kastoo aan heli lahaa kun gogo' oo lacag ah, weliba ma aanan yeeleen inaan gacantayda wiilka boqorka u qaado, waayo, annagoo maqlayna ayaa boqorku idinku amray, adiga iyo Abiishay iyo Itay, oo idinku yidhi, Iska jira oo yaan ninna taaban ninka dhallinyarada ah ee Absaaloom ah.

13. Ama haddaan saas samayn lahaa naftaydaan been kula macaamiloon lahaa, waayo, boqorka waxba kama qarsoona, adiga qudhaaduna waad igu kici lahayd.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 18