Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 13:26-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?

27. Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.

28. Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.

29. Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.

30. Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.

31. Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.

32. Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.

33. Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 13