Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 9:11-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa?

12. Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare.

13. Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii.

14. Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.

15. Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,

16. Berri haddaa oo kale waxaan kuu soo dirayaa nin ka yimid dalka reer Benyaamiin, haddaba waa inaad isaga subagtaa inuu amiir u ahaado dadkayga reer binu Israa'iil, oo isna wuxuu dadkayga ka badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin, waayo, anigu waxaan soo dhugtay dadkayga, maxaa yeelay, oohintoodii baa i soo gaadhay.

17. Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 9