Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Nexemyaah 10:25-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah,

26. iyo Axiiyaah, iyo Xaanaan, iyo Caanaan,

27. iyo Malluug, iyo Haarim, iyo Bacanaah.

28. Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,

29. waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

30. iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;

31. iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.

32. Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah:

33. kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan.

34. Oo innagoo ah wadaaddada iyo kuwii reer Laawi iyo dadkii kaleba saami baynu u ridannay qurbaanka qoryaha inaynu wakhtigii sannad kasta la amray qoryo gelinayno guriga Ilaaheenna sida qolooyinkeennu yihiin, si qoryaha loogu dul shido meesha allabariga ee Rabbiga Ilaaheenna ah, siday taasu sharciga ugu qoran tahay,

35. iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,

36. iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna;

37. iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.

38. Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda.

akhri dhamaystiran cutubka Nexemyaah 10