Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Esteer 9:12-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Markaasaa boqorkii wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuhuuddii waxay Shuushan oo ah hoygayga ku laayeen oo ku baabbi'iyeen shan boqol oo nin, iyo Haamaan tobankiisii wiil. Oo gobolladayda intooda kale maxay ku sameeyeen! Haddaba baryadaadu waa maxay, waa lagu siinayaaye? Amase maxaad kaloo weyddiisanaysaa? Waa laguu samaynayaaye.

13. Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Haddii boqorku raalli ku yahay, Yuhuudda Shuushan joogta ha la siiyo fasax ay berrito ku sameeyaan si waafaqsan amarkan maanta dhacay, oo Haamaan tobankiisa wiilba ha lagu deldelo meesha deldelaadda.

14. Markaasaa boqorkii wuxuu amray in saas la yeelo, oo amar baa Shuushan lagu naadiyey, oo Haamaan wiilashiisiina waa la deldelay.

15. Oo haddana Yuhuuddii Shuushan joogtay dhammaantood way isa soo wada urursadeen bishii Adaar, maalinteedii afar iyo tobnaad, oo waxay Shuushan ku laayeen saddex boqol oo nin, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.

16. Oo Yuhuuddii kale oo joogay boqorka gobolladiisa iyana dhammaantood way isa soo wada urursadeen, oo ay daaficidda naftooda isu taageen, oo way ka raysteen cadaawayaashoodii, oo waxay kuwii iyaga nebcaa ka laayeen shan iyo toddobaatan kun oo qof, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.

17. Oo taasuna waxay dhacday bishii Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, oo bishaas maalinteedii afar iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan.

18. Laakiinse Yuhuuddii Shuushan joogtay way isa soo wada urursadeen bishaas, maalinteedii saddex iyo tobnaad, iyo maalinteedii afar iyo tobnaad, oo isla bishaas, maalinteedii shan iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan.

19. Haddaba Yuhuuddii tuulooyinka joogtay oo degganayd magaalooyinka aan derbiga lahayn, bisha Adaar, maalinteeda afar iyo tobnaad, waxay ka dhigaan maalin farxadeed oo iid ah, oo maalin wanaagsan ah, iyo maalin waxyaalo wanaagsan mid ba midka kale u diro.

20. Markaasaa Mordekay waxyaalahaas oo dhan qoray, oo wuxuu warqado u diray kulli Yuhuuddii joogtay Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan, kuwii dhowaa iyo kuwii fogaaba,

21. oo wuxuu ku amray iyagii inay sannad walba bisha Adaar, afar iyo tobankeeda iyo shan iyo tobankeeda, dhawraan,

22. oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddii ay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggooda ay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalin wanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxad badan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan u diro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo.

23. Oo Yuhuuddiina waxay aqbaleen inay sameeyaan wixii ay bilaabeen, iyo sidii Mordekay uu iyaga u soo qoray,

24. maxaa yeelay, Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo Yuhuudda oo dhan cadowgooda ahaa, xeelad buu ku sameeyey Yuhuudda inuu iyaga baabbi'iyo, oo wuxuu riday saami Fuur la odhan jiray, si uu u laayo oo uu u baabbi'iyo.

akhri dhamaystiran cutubka Esteer 9