Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Esteer 6:8-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. ha loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka,

9. oo dharka iyo faraska gacanta ha loo geliyo boqorka amiirradiisa sharafta leh midkood, in loo lebbiso ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso. Oo isaga inta faras la fuushiiyo, jidka magaalada dhexdeeda ha la mariyo, oo hortiisa ha laga naadiyo, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso sidaasaa loo yeelaa.

10. Markaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso, oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay, oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay oo ah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aad sheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan.

11. Kolkaasaa Haamaan wuxuu soo qaaday dharkii iyo faraskii oo wuxuu u lebbisay Mordekay, oo isagoo faraskii fuushan ayuu mariyey jidka magaalada, oo wuxuu hortiisa ka naadiyey, Sidaasaa loo yeelaa ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso.

12. Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.

13. Markaasaa Haamaan wuxuu naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhan uga sheekeeyey wixii isaga ku dhacay oo dhan. Kolkaasaa raggiisii xigmadda lahaa iyo naagtiisii Seresh waxay ku yidhaahdeen, Mordekay oo aad bilowday inaad hortiisa ku dhacdo, hadduu yahay farcanka Yuhuudda, ka adkaan maysid, laakiinse hubaal hortiisaad ku dhici doontaa.

14. Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.

akhri dhamaystiran cutubka Esteer 6