Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 30:31-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

32. Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.

33. Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

34. Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

35. Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;

36. Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.

37. Yacquubna wuxuu qaatay dhengedo qoyan oo ah geedihii la odhan jiray libneh iyo yicib iyo carmon, kolkaasuu diiray oo xariijimo cadcad ku sameeyey.

38. Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.

39. Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.

40. Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan.

41. Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;

42. laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.

43. Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 30