Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 30:18-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah waa i siiyey kiradaydii, maxaa yeelay, addoontaydii waxaan siiyey ninkayga. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Isaakaar.

19. Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.

20. Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.

21. Dabadeedna waxay dhashay gabadh, magaceediina waxay u bixisay Diinah.

22. Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.

23. Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.

24. Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.

25. Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

26. I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.

27. Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.

28. Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

29. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.

30. Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

31. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

32. Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.

33. Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

34. Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 30