Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 1:6-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo magaaladii Siyoon quruxdeedii oo dhammuna way ka dhammaatay. Amiirradeedii waxay noqdeen sidii deero daaq weyday, Oo waxay tageen iyagoo aan itaal ku lahayn kan eryanaya hortiis.

7. Yeruusaalem wakhtiga ay dhib iyo wareeg ku jirto ayay waxay soo xusuusataa Waxyaalihii wanaagsanaa oo ay waagii hore haysatay oo dhan. Markii dadkeedu gacanta cadowga ku dhacay, oo aan ninna caawiyin Ayaa cadaawayaashu iyada arkeen, oo baabba'eedana way ku majaajiloodeen.

8. Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.

9. Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.

10. Cadowgu wuxuu gacanta ku fidiyey waxyaalaheedii wanaagsan oo dhan, Waayo, iyadu way aragtay in quruumihii ay meesheedii quduuska ahayd galeen, Kuwaasoo aad amartay inayan ururkaaga gelin.

11. Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.

12. Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

13. Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

14. Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

15. Raggaygii xoogga badnaa oo dhan Sayidku dhexdayduu ku tuuray. Wuxuu iigu yeedhay shir inuu barbaarradayda burburiyo. Gabadhii bikradda ahayd ee quruunta Yahuudah ah Sayidku wuxuu ugu tuntay sidii macsaro khamri.

16. Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 1