Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Filiboy 2:4-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.

5. Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.

6. Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,

7. laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg,

8. oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto.

9. Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;

10. in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan,

11. iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.

12. Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir,

13. waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.

14. Haddaba wax walba ku sameeya gunuunac iyo muran la'aantood,

15. inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

16. idinkoo hore u soo fidinaya ereyga nolosha, si aan anigu u helo wax aan ku faano maalinta Masiixa, taas oo ah inaanan micnela'aan u ordin oo aanan micnela'aan u hawshoon.

17. Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa,

18. oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

19. Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado.

20. Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya.

21. Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix.

akhri dhamaystiran cutubka Filiboy 2