Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Tesaloniika 5:11-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

12. Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;

13. oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.

14. Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.

15. Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

16. Had iyo goorba farxa.

17. Joogsila'aanna tukada.

18. Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.

19. Ruuxa ha deminina.

20. Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.

21. Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

22. Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Tesaloniika 5