Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Butros 2:1-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan,

2. oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,

3. haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,

4. kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah.

5. Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.

6. Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.

7. Haddaba sidaas daraaddeed qaalinimada waxaa leh idinkoo ah kuwa rumaysan, laakiinse xagga kuwa aan rumaysnayn, Dhagaxii kuwa wax dhisa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka;

8. iyo Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay.

9. Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.

10. Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen.

11. Gacaliyayaalow, waxaan idiin baryayaa, idinkoo ah sidii qariib iyo dad sodcaal ah, inaad ka fogaataan damacyada jidhka oo nafta la dagaallama.

12. Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada.

13. Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan,

14. amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Butros 2