Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 33:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

2. Wiilka Aadamow, dadkaaga la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaan seef dal ku soo daayo, haddii dadka dalkaasu ay nin iyaga ka mid ah soo soocaan oo ay waardiye ka dhigtaan,

3. markuu arko seefta dhulka soo degaysa hadduu buunka yeedhiyo, oo uu dadka u digo,

4. ku alla kii maqla buunka dhawaaqiisa oo aan digtoonaan, hadday seeftu timaado oo ay isaga nafta ka qaaddo, dhiiggiisu wuxuu saarnaan doonaa madaxiisa.

5. Buunka dhawaaqiisuu maqlay, mase digtoonaan, dhiiggiisu isaga uun buu saarnaan doonaa. Hadduu digtoonaan lahaa, naftiisuu samatabbixin lahaa.

6. Laakiinse waardiyuhu hadduu arko seeftii oo soo socota, illowse uusan buunka yeedhin, oo uusan dadka u digin, hadday seeftu timaado oo ay qof iyaga ka mid ah nafta ka qaaddo, kaasuu xumaantiisuu ku dhintaa, laakiinse dhiiggiisa waxaa la weyddiin doonaa ninkii waardiyaha ahaa gacantiisa.

7. Haddaba Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, oo sidaas daraaddeed erayga afkayga ka maqal, oo iyaga xaggayga uga dig.

8. Markaan mid sharrow ah ku idhaahdo, Sharrowgow, hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan sharrowga jidkiisa sharka ah kala hadlin oo aadan uga digin, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.

9. Habase ahaatee haddaad sharrowga jidkiisa uga digtid inuu ka soo leexdo aawadeed, laakiinse uusan jidkiisa ka soo noqon, markaas isagu xumaantiisuu ku dhiman doonaa, laakiinse adigu naftaadaad samatabbixisay.

10. Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waxaad ku hadashaan oo istidhaahdaan, Xadgudubyadayadii iyo dembiyadayadiiba way na dul saaran yihiin, oo iyaga ayaannu ku dhex macaluulsan nahay, haddaba bal sidee baannu u noolaan karaynaa?

11. Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan innaba farxad ka helayn dhimashada sharrowga, laakiinse waxaan jeclahay in sharrowgu uu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado. Soo noqda, jidkiinna ka soo noqda, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?

12. Wiilka Aadamow, waxaad dadkaaga ku tidhaahdaa, Ka xaqa ah maalintii uu xadgudub sameeyo xaqnimadiisu ma ay samatabbixin doonto, oo sharrowguna maalintii uu sharnimadiisa ka soo noqdo sharnimadiisa kuma uu dhex dhici doono. Oo ka xaqa ahu maalintii uu dembaabo ma uu kari doono inuu xaqnimadiisa ku noolaado.

13. Markaan ka xaqa ah ku idhaahdo, Hubaal waad noolaan doontaa, hadduu xaqnimada isku halleeyo oo uu xumaan sameeyo, markaas falimihiisii xaqa ahaa lama soo xusuusan doono, laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa xumaantiisii uu sameeyey.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 33