Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 42:9-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Oo qolladahaas hoostooda waxaa ku yiil iriddii dhinaca bari laga geli jiray, meeshii iyaga xagga barxadda looga soo galo.

10. Oo qollado baa ku yiil derbigii barxadda xagga bari oo ka soo hor jeeda xagga meesha goonida ah iyo xagga dhismaha.

11. Oo jidkii hortooda ku yiil wuxuu u ekaa sidii kii qolladaha xagga woqooyi ku yiil oo kale. Sidooda oo kaluu u dheeraa oo sidoodoo kaluu u ballaadhnaa, oo meelahooda laga baxo oo dhammuna waxay ahaayeen sida qaabkoodoo kale iyo sida albaabbadooda oo kale.

12. Oo qolladihii xagga koonfureed u sii jeeday albaabbadoodiina waxay lahaayeen albaab jidka madaxiisa ku yiil, kaasoo ah jidkii derbiga xagga bari ka soo hor jeeday, markii iyaga la soo galo.

13. Oo markaasuu igu yidhi, Qolladaha woqooyi iyo qolladaha koonfureed oo meesha goonida ah ka soo hor jeeda waa qolladaha quduuska ah oo wadaaddada Rabbiga u soo dhowaadaa ay waxyaalaha quduuska ah ku cunaan, oo waxay halkaas dhigi doonaan waxyaalaha aad u quduuska ah, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, waayo, meeshaasu waa quduus.

14. Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.

15. Haddaba markuu qiyaasiddii daarta gudaha dhammaystiray ayuu iriddii xagga bari u sii jeedday iga bixiyey, oo wuxuu qiyaasay hareereheedii oo dhan.

16. Dhankii bari ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur, oo cawsduurkii qiyaasta ayuu ku soo wada wareejiyey.

17. Dhankii woqooyi cawsduurkii qiyaasta ayuu ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.

18. Oo dhankii koonfureedna wuu ku qiyaasay cawsduurkii qiyaasta, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 42