Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 33:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Haddaba Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, oo sidaas daraaddeed erayga afkayga ka maqal, oo iyaga xaggayga uga dig.

8. Markaan mid sharrow ah ku idhaahdo, Sharrowgow, hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan sharrowga jidkiisa sharka ah kala hadlin oo aadan uga digin, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.

9. Habase ahaatee haddaad sharrowga jidkiisa uga digtid inuu ka soo leexdo aawadeed, laakiinse uusan jidkiisa ka soo noqon, markaas isagu xumaantiisuu ku dhiman doonaa, laakiinse adigu naftaadaad samatabbixisay.

10. Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waxaad ku hadashaan oo istidhaahdaan, Xadgudubyadayadii iyo dembiyadayadiiba way na dul saaran yihiin, oo iyaga ayaannu ku dhex macaluulsan nahay, haddaba bal sidee baannu u noolaan karaynaa?

11. Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan innaba farxad ka helayn dhimashada sharrowga, laakiinse waxaan jeclahay in sharrowgu uu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado. Soo noqda, jidkiinna ka soo noqda, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?

12. Wiilka Aadamow, waxaad dadkaaga ku tidhaahdaa, Ka xaqa ah maalintii uu xadgudub sameeyo xaqnimadiisu ma ay samatabbixin doonto, oo sharrowguna maalintii uu sharnimadiisa ka soo noqdo sharnimadiisa kuma uu dhex dhici doono. Oo ka xaqa ahu maalintii uu dembaabo ma uu kari doono inuu xaqnimadiisa ku noolaado.

13. Markaan ka xaqa ah ku idhaahdo, Hubaal waad noolaan doontaa, hadduu xaqnimada isku halleeyo oo uu xumaan sameeyo, markaas falimihiisii xaqa ahaa lama soo xusuusan doono, laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa xumaantiisii uu sameeyey.

14. Haddana markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, hadduu dembigiisa ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,

15. iyo hadduu sharrowgu rahaamaddii celiyo, oo uu wixii uu dhacay celiyo, oo uu qaynuunnada nolosha ku socdo, isagoo aan innaba xumaan samaynayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.

16. Oo dembiyadiisii uu sameeyey midkoodna looma xusuusan doono. Wuxuu sameeyey wax xaq ah oo qumman, oo hubaal wuu noolaan doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 33