Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 29:11-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Innaba binu-aadmi cagtiis ma dhex mari doonto, oo xayawaan cagtiisna ma dhex mari doonto, oo intii afartan sannadood ah ciduna dhexdiisa ma degi doonto.

12. Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.

13. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay afartan sannadood dhammaadaan ayaan Masriyiinta dadyowgii ay ku kala dhex firidhsanaayeen ka soo ururin doonaa.

14. Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

15. Oo waxay ahaan doontaa tan boqortooyooyinka ugu wada hoosaysa, oo mar dambena quruumaha kale iskama ay kor marin doonto. Iyagaan u dhimi doonaa si ayan innaba mar dambe quruumaha ugu talin.

16. Oo mar dambena siima ay ahaan doonto kalsoonidii reer binu Israa'iil taasoo xumaantoodii soo xusuusisa markay xaggooda fiiriyaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

17. Oo haddana sannaddii toddoba iyo labaatanaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,

18. Wiilka Aadamow, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ciidankiisuu hawl weyn oo Turos ka gees ah ka shaqaysiiyey. Madax kasta wuu bidaaroobay, oo garab kastana wuu diirmay, laakiinse isaga iyo ciidankiisii toona Turos mushahaaro uu hawshii iyada ka gees ahayd ka shaqeeyey kama ay helin.

19. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.

20. Dalka Masar ayaan isaga u siiyey hawshiisii uu hawshooday aawadeed, maxaa yeelay, aniga ayay ii shaqeeyeen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

21. Oo maalintaas ayaan reer binu Israa'iil gees u soo bixin doonaa, oo iyaga dhexdooda ayaan kaaga hadlin doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 29