Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 24:19-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Oo markaasaa dadkii waxay igu yidhaahdeen, War maad noo sheegtid waxan aad samaynaysid ulajeeddadooda?

20. Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

21. Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshayda quduuska ah ayaan nijaasayn doonaa, taasoo ah faankii xooggiinna iyo waxa ay indhihiinnu jecel yihiin, iyo waxa ay naftiinnu u naxdo; oo wiilashiinna iyo gabdhihiinna aad ka tagteenna seef bay ku le'an doonaan.

22. Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.

23. Oo duubabkiinnu madaxay idiinku duubnaan doonaan, oo kabihiinnuna cagahay idiinku jiri doonaan. Ma aad barooran doontaan, mana aad ooyi doontaan, laakiinse xumaatooyinkiinna baad la macaluuli doontaan, oo midkiinba kan kaluu ku musannaabi doonaa.

24. Sidaasuu Yexesqeel calaamad idiinku ahaan doonaa, oo wax alla wixii uu sameeyey ayaad idinkuna samayn doontaan. Oo markay waxaasu dhacaan ayaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 24