Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 30:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

2. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.

3. Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

4. Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.

5. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaannu maqalnay cod gariir badan, oo cabsiyeed, oo aan mid nabdeed ahayn.

6. Bal haatan weyddiiya, oo bal eega, haddii nin ilmo dhalid la foosho iyo haddii kale? Bal maxaan u arkaa nin kasta oo gacmihiisa dhexda ku haya sida naag foolanaysa oo kale, iyo wejiyo wada qayirmay?

7. Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.

8. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

9. laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 30