Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 16:16-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.

17. Waayo, jidadkooda oo dhan indhahaan ku hayaa, oo igamana ay qarsoona, xumaantooduna kama ay daboolna indhahayga.

18. Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaalmarin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.

19. Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.

20. Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 16