Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 8:28-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Sidaasaa Yashuuca u gubay Aacii, oo wuxuu ka dhigay tuulmo cidla weligeed ah ilaa maantadan la joogo.

29. Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.

30. Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,

31. sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino.

32. Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.

33. Oo reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil.

34. Oo dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan.

35. Oo ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 8