Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 2:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal taga oo soo ilaaleeya dalka iyo magaalada Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri naag dhillo ah oo magaceeda la odhan jiray Raxab, oo halkaasay jiifsadeen.

2. Oo markaasaa boqorkii Yerixoo loo sheegay oo lagu yidhi, Niman reer binu Israa'iil ah ayaa caawa magaalada yimid si ay dalka u ilaaleeyaan.

3. Markaasaa boqorkii Yerixoo cid u diray Raxab, oo ku yidhi, Soo bixi nimankii kuu yimid oo gurigaaga galay, waayo, waxay u yimaadeen si ay dalka oo dhan u ilaaleeyaan.

4. Laakiin naagtii mar horay kaxaysay labadii nin, wayna qarisay; oo waxay tidhi, Haah, nimankii waa ii yimaadeen, laakiinse ma aan garanaynin meel ay ka yimaadeen,

5. oo markii iridda la xidhi lahaa oo ay gudcur noqotay ayay nimankii baxeen. Meeshii nimankii tageenna anigu garan maayo; haddaba dhaqso u raacdeeya, waayo, waad gaadhi karaysaan.

6. Laakiinse waxay iyagii keentay saqafkii dushiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay qummaati ugu dhigtay saqafka dushiisa.

7. Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay.

8. Oo intaanay seexan ka hor ayaa naagtii saqafkii ugu timid iyagii,

9. oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 2