Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 8:5-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac.

6. Markaasaa amiirradii reer Sukod waxay ku yidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan aannu colkaaga cunto siinnee?

7. Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.

8. Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.

9. Kolkaasuu haddana wuxuu la hadlay raggii reer Fenuu'eel oo wuxuu ku yidhi, Markaan soo nabad noqdo ayaan dumin doonaa munaaraddan.

10. Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

11. Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey.

12. Oo Sebah iyo Salmunnac way carareen, oo isna wuu eryooday, wuuna soo qabsaday labadii boqor oo reer Midyaan oo ahaa Sebah iyo Salmunnac, oo ciidankii oo dhanna wuu ka nixiyey.

13. Oo Gidcoon ina Yoo'aash wuxuu dagaalkii kaga soo noqday jiirtii Xeres.

14. Markaasuu wuxuu qabtay nin dhallinyar oo reer Sukod ah, oo wax weyddiiyey; oo isna wuxuu u tilmaamay amiirradii reer Sukod iyo odayaashoodii, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo toddobaatan nin.

15. Markaasuu wuxuu u yimid raggii reer Sukod, oo wuxuuna ku yidhi, Bal eega Sebah iyo Salmunnac, kuwii aad daraaddood iigu majaajilooteen oo aad igu tidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan, aannu raggaaga daalan cunto siinnee?

16. Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 8