Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 14:10-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.

11. Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.

12. Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah;

13. laakiinse haddaad ii sheegi weydaan, idinku waa inaad i siisaan soddon maro iyo soddon isku joog oo dhar ah. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Bal sheeg halxidhkaaga, aannu maqalnee.

14. Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.

15. Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?

16. Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?

17. Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.

18. Markaasay dadkii magaaladu isagii ku yidhaahdeen maalintii toddobaad intaan qorraxdu dhicin, Maxaa malab ka macaan? Maxaase libaax ka xoog badan? Markaasuu iyagii ku yidhi, Haddaydnan qaalintayda beerta ku falin, Halxidhkayga ma aydnaan furteen.

19. Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

20. Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 14