Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 13:17-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno?

18. Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?

19. Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen.

20. Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.

21. Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga.

22. Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.

23. Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.

24. Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.

25. Oo Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 13