Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 7:88-89 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

88. oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed.

89. Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 7