Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 33:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa shan iyo konton sannadood.

2. Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

3. Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

4. Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem.

5. Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 33