Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 28:16-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan.

17. Waayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen.

18. Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen.

19. Rabbigu wuxuu dadka Yahuudah hoos ugu dejiyey boqorkii dalka Israa'iil oo Aaxaas ahaa daraaddiis, maxaa yeelay, si xun buu dalka Yahuudah ugu dhex macaamilooday, oo Rabbigana aad buu ugu xadgudbay.

20. Markaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii.

21. Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.

22. Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.

23. Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan.

24. Markaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem.

25. Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.

26. Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

27. Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 28