Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 15:4-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen.

5. Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn.

6. Oo iyagii way kala burbureen, oo quruumuba quruun bay ka gees noqotay, magaalona magaalay ka gees noqotay, waayo, Ilaah baa ku dhibay cidhiidhi oo dhan.

7. Laakiinse idinku xoogaysta oo gacmihiinnu yay debcin, waayo, shuqulkiinna waa laydiinka abaalgudi doonaa.

8. Oo Aasaana markuu maqlay erayadaas iyo waxsheegiddii Nebi Codeed ayuu sii dhiirranaaday, oo dalka Yahuudah iyo kan Benyaamiin oo dhan iyo magaalooyinkii uu ka qabsaday dalka buuraha leh oo reer Efrayim wuu ka wada fogeeyey karaahiyadii, oo weliba wuxuu cusboonaysiiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo ku hor tiil balbalada Rabbiga.

9. Markaasuu soo wada shiriyey dadkii Yahuudah iyo dadkii Benyaamiin iyo kuwii iyaga la degganaa oo ka yimid reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Simecoonba, waayo, isagay ku soo darmeen iyagoo tiro badan, markay arkeen in Rabbiga Ilaahiisa ahu uu isaga la jiro.

10. Sidaas daraaddeed waxay ku soo urureen Yeruusaalem sannaddii shan iyo tobnaad oo boqortooyadii Aasaa bisheedii saddexaad.

11. Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.

12. Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan,

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 15